Garaad Jamac oo eedayn dusha kagala dhacay Somaliland iyo Puntland

Reading Time: < 1 minute

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Graad guur ee beesha Dhulbahante ayaa Khudbad uu ka jeediyey Munaasibadda Caleemosaarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraalle oo shalay ka dhacday deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool, ayaa fariimo adag u diray Somaliland iyo Puntland. Waxa  uuna Garaadku ku eedayay labada maamul in ay dagaal kula jiraan Beesha Dhulbahante.

Garaadka ayaa si gaar ah uga hadlay hadalo kasoo yeeray siyaasiyiin ka socday Somaliland iyo Puntland, Wuxuuna sheegay in aanay dadka deegaanadaasi ka tirsanayn labada maamul ee Somaliland iyo Puntland. “Saleebaan Cali Koore Waxaan Leeyahay Tallada Dhulbahante Cidna Marti Uga Noqon Mayno” Garaad Jaamac

“Nin ayaa wuxuu arkay Sodohdii oo Xaaskiisa aad ugu diraysa, Markaas ayuu yidhi Sodoheey ku odhan maayee, Ballo aan adiga ahayn Reerku ma Qabo, Waxaan leeyahay Maamulada dhib aan idinka ahayn ma qabno”.

Garaadka ayaa sidoo kale fariin adag u diray Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali (Koore) oo madasha goobjoog ka ahaa, isagoona ugu baaqay in talada Dhulbahante aanay cidna marti uga noqonayn.

Inaadeerkay Saleebaan Cali Koore waxaan leeyahay Tallada dadkeena cidna marti uga noqon mayno, oo nalagu Bajin maayo waa siyaasad, Masiirka dadkayga cidna Marti uga noqon mayno” Ayuu yidhi garaad Jaamac.