Puntland oo xakamaysay dagaal
Maamulka Puntland ayaa ku guulaystay inuu xakameeyo colaad dhowaan ka dillaacday degaanka Rako oo hoos yimaada magaalada Qardho, halkaas oo ay si teel-teel ah ugu dagaallameen beelaha halkaas ku dhaqan qaarkood.
Baarlamaanka Puntland
Sida ay sheegayaan dad xogogaal ah colaaddan waxaa ku dhintay 7 qof waxaana ka qaybgalay ciidamo beeleedyo hubaysan, taas oo hadda joogsatay kadib markii ciidamo ka tirsan dawladdu ay halkaas gaareen kadibna ay kala dhexgaleen malleeshiyo beeleedyo halkaas ku dagaallamay.
Colaaddani waxay markii hore ka billaabatay dhul daaqsin ah oo ay ku murmeen beelaha degaankaas qaarkood, taasoo markii dambe u gudubtay dagaallo goos goos ah oo halkaas ka dhacay sababayna dhimashada 7 qof, iyo dhaawaca dad kale oo tiradiisa lagu sheegayo inuu ka badan yahay 10 qof inkasta oo aan si dhab ah loo aqoon tirada rasmiga ah.
Dagaalladan ayaa sida la sheegayo waxay u dhaceen iska-hor-imaadyo toos ah iyo weerraro gaadma ah, waxayna ka dhaceen dhul miyi ah oo u dhexeeya tuulooyinka Dhuudo, rako iyo xiriiro oo dhammaantood ka wada tirsan ama hoos yimaada magaalada Qardho.
Waxaa jiray baaqyo ay soo jeediyeen waxgaradka iyo odayaasha gobolka Bari oo ku aaddan in la joojiyo colaaddaas, hase ahaatee ma aanay noqon kuwo dhaqangala ama ay tixgeliyaan malleeshiyda beelaha ee halkaas isku horfadiyay maalmihii la soo dhaafay.
Maamulka ayaa haatan goobahaas u diray ciidamo xoog leh oo ka tirsan kuwa daraawiishta, kuwaas oo ilaa xalay iyo shalay halkaas ku sii qulqulayay iyadoo ay jireen ciidamo kale oo goobahaas horay loogu diray laakiin ay tiradoodu yarayd.
Goobaha ay dhibtu ka dhacday waa kuwo fogfog oo aan lahayn wax isgaarsiin ah, haddana wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay waxay sheegayaan in xaalku deggan yahay isla markaasna ay kala dhaqaaqeen malleeshiyo beeleedkii halkaas isku horfadhiyay, kadib markii ciidamada dawladdu ay tageen degaankaas.
Inktasta oo ay taasi jirto haddana uma muuqato in arrintu ay sidaas ku dhmaan karto, ilaa la helo wada hadal iyo heshiis dhexmara beelaha iyo in arrinta ay soo dhexgalaan odayaasha gaar ahaan xeer beegtida, oo caadi ahaan aan looga maarmin kaalinta ay ka galaan colaadaha noocaan iyagoo maamulka kaashanaya.
Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa gobollada Bari ka soo noqnoqanaya colaado beelaha u dhexeeya, kuwaas oo salka ku haya xagga degaanka iyo daaqsinta ama dooxooyinka ay xooluhu daaqaan oo beelaha qaarkood ay damcaan inay ka hirgeliyaan dhismayaal aan sharci ahayn.
Si kastaba ha noqotee waxaa la rumaysan in colaadaha noocaan ahi, ay dhabarka ku hayaan ama ay dhinac kaga jiraan ganacsatada beelaha ay u dhaxayso oo ciidamada beelaha ku taageera hubka, gaadiidka, shidaalka iyo sahaydaba taasoo hadda ka hor uu maamulku soo qaaday in qofkii lagu helo arrimo noocaas ah tallaabo laga qaadi doono, laakiin aanay waxba suuragelin.
Dhinaca kalana maamulku wuxuu horay ugu guulaystay inuu si buuxda u soo afjaro colaadii tan ka horraysay, ee iyana ka dhacday dooxada Igdhays oo dhexmartay beelaha Bari qaarkood ayna ku dhinteen dad ka badan 30 qof dhaawacyo intaas ka badana ay jireen.