Taariikh Nololeedka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya


Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, taariikhdu markii ay ahayd Bishii 10-aad ee sanadkii 1963-kii.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble waa Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

 

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

 

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay horumarinta dalka, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email